Xulka qaranka Talyaaniga ayaa guul muhiim ah ka gaaray Türkiye, kadib markii uu 3-1 kaga adkaaday kulan ka tirsanaa wareegga afaraad ee heerka group-yada Nations League 2026/27.
Talyaaniga ayaa ciyaarta si wanaagsan ku bilowday, waxaana daqiiqaddii 26-aad goolka koowaad u dhaliyay Gianluca Scamacca, kaasoo kubbad xooggan ku hubsaday shabaqa Türkiye, Türkiye ayaa qaybtii labaad ciyaarta kusoo laabatay, waxaana daqiiqaddii 61-aad goolka barbaraha u dhaliyay Aral Şimşir, taasoo ciyaarta ka dhigtay 1-1.
Balse farxadda Türkiye muddo dheer ma aysan sii socon, waxaana daqiiqaddii 64-aad Talyaaniga hoggaanka mar kale u soo celiyay Riccardo Calafiori. Daqiiqaddii 87-aad ayuu Pio Esposito dhaliyay goolka saddexaad, isagoo xaqiijiyay guusha Talyaaniga.
Talyaaniga ayaa kulanka kusoo gaba-gabeeyay 3-1, wuxuuna saddexda dhibcood ku gaaray 7 dhibcood, taasoo ka dhigtay kooxda kaalinta labaad ee group-ka.
Dhanka kale, Türkiye ayaa weli ku jirta kaalinta ugu dambeysa iyadoo aan wax dhibco ah haysan, halka Belgium ay leedahay 6 dhibcood, Faransiiskuna uu hoggaanka ku hayo 10 dhibcood.

