DEG DEG Barcelona War Cusub ka heshay dhaawaca Raphinha & dhaawac Halis mise ?

0

Taageerayaasha Barcelona ayaa cabsi weyn qaaday kadib markii Raphinha uu dhaawac awgiis uga baxay ciyaartii saaxiibtinimo ee Brazil iyo Australia, taasoo lagu ciyaaray garoonka Suncorp Stadium ee magaalada Brisbane, Raphinha ayaa ciyaarta ku soo bilowday safka hore, waxaana uu ka mid noqday ciyaartoydii muhiimka ka ahayd xulka Brazil, isagoo dhaliyay gool rigoore ah, iyadoo Brazil ugu dambeyn 4-2 kaga adkaatay Australia.

Si kastaba, ciyaaryahanka Barcelona ayaan soo laaban qeybtii labaad, kadib markii uu dareemay xanuun ama muruq-qabasho ka dhacday bowdada midig, Sida ay sheegtay warbaahinta SPORT, baaritaannadii caafimaad ee ugu horreeyay ee lagu sameeyay Raphinha waxay muujinayaan in dhaawacu yahay mid fudud.

Advertisment

Baaritaanka hordhaca ah ayaa sidoo kale meesha ka saaray in uu jiro dhaawac weyn oo muruqa ah ama jeexitaan culus oo ku yimid qaybta uu xanuunku ka dareemay, Go’aanka lagu beddelay Raphinha qeybtii nasashada ayaa ahaa mid taxaddar ah, waxaana arrintaas isla oggolaaday ciyaaryahanka iyo dhakhaatiirta xulka Brazil, si looga fogaado in dhaawacu kasii daro.

Inkasta oo wararka hore ay yihiin kuwo rajo wanaagsan leh, haddana baaritaanno dheeraad ah ayaa weli loo baahan yahay si loo ogaado xaaladda saxda ah ee Raphinha, Waxaa la tixgelinayaa laba qorshe. Midka koowaad ayaa ah in baaritaanno dheeraad ah lagu sameeyo dalka Australia ka hor inta uusan ciyaaryahanku dib ugu safrin Barcelona.

Qorshaha labaad, kaasoo ah midka ay Barcelona doorbideyso, ayaa ah in Raphinha uu sida ugu dhaqsaha badan ugu soo laabto Barcelona, halkaas oo ay si toos ah ula wareegi doonaan adeegyada caafimaadka ee kooxda, Barcelona ayaa durba xiriir la sameysay xiriirka kubadda cagta Brazil (CBF), si ay ula socdaan xaaladda ciyaaryahanka.

Tababaraha Barcelona Hansi Flick iyo shaqaalihiisa ayaa si taxaddar leh u sugaya natiijada kama dambaysta ah ee baaritaannada, Kooxda Barcelona waxay rajaynaysaa in dhibaatada Raphinha ay ku ekaato muruqaha inuu ka daalay ama contracture fudud, taasoo aan u baahnayn muddo dheer oo uu garoomada ka maqnaado.

Arrintan ayaa muhiim u ah Barcelona, maadaama kooxda ay sugayaan jadwal culus marka uu soo dhammaado fasaxa xulalka, Sidaas darteed, mudnaanta koowaad ee Barcelona ayaa ah in aan Raphinha lagu degdegin, lana xaqiijiyo caafimaadkiisa ka hor inta uusan dib ugu soo laaban ciyaaraha.

Dhanka kale, Raphinha laftiisa ayaa si weyn u yareeyay walaaca laga qabay dhaawaciisa kadib ciyaarta, Ciyaaryahanka ayaa markii uu ka baxay garoonka ku socday si caadi ah, mana jirin wax calaamad ah oo muujinaysa inuu si daran u dhaawacmay. Sidoo kale ma uusan lahayn ul ama faashad weyn oo lagu duubay bowdada.

Raphinha ayaa u muuqday mid deggan, waxaana uusan muujin wax xanuun ah markii uu la socday ciyaartoyda kale ee xulka Brazil, Markii ciyaaryahanka laga wareystay xaaladda lugtiisa iyo haddii ay wax walba hagaagsan yihiin, Raphinha wuxuu si kooban ugu jawaabay: “Haa.”

Jawaabtaas ayaa sii xoojisay rajada laga qabo in dhaawaca Raphinha uusan ahayn mid halis ah, inkastoo Barcelona ay weli sugayso baaritaannada kama dambaysta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here