Taageerayaasha Manchester United ayaa walaac weyn ka muujiyay xaaladda daafaca Noussair Mazraoui, kadib markii ciyaaryahanka lagu qasbay inuu garoonka ka baxo isagoo dhaawacmay intii lagu jiray fasaxa xulalka.
Mazraoui ayaa dhaawaca soo gaaray isagoo u ciyaaraya xulka Morocco kulankii isreeb-reebka AFCON ee ay la ciyaarayeen Lesotho, Morocco ayaa ciyaarta ku hoggaaminaysay 1-0 markii dhacdadu timid daqiiqaddii 69-aad. Mazraoui ayaa isku dayay inuu kubad kula tartamo ciyaaryahan ka tirsan Lesotho, balse kadib wuxuu qabtay dhabarka hoose, isagoo muujinayay inuu xanuunsanayo.
Intii loo fidinayay daaweyn, ciyaartoyda Morocco ayaa u yeeray kursiga keydka, iyagoo tilmaamay in Mazraoui uusan sii wadi karin ciyaarta, Ugu dambeyn, daafaca Manchester United ayaa garoonka laga saaray, waxaana Morocco ay ciyaarta ku dhamaysatay 2-0.
Ilaa hadda ma jirto faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan heerka dhaawaca Mazraoui ama muddada uu garoomada ka maqnaan karo, Taageerayaasha Manchester United ayaa baraha bulshada ka muujiyay niyad-jab, iyadoo mid kamid ah uu yiri: “Xilli ciyaareedkan wuxuu noo noqon doonaa mid dheer.”
Taageere kale ayaa qoray: “Hal ciyaaryahan ayaan soo ceshannaa, kaddibna waxaan aragnaa laba kale oo dhaawacmaya.”
Mid kale ayaa si kooban u yiri: “Maxaa dhacaya?” , Manchester United ayaa sidoo kale wajahaysa walaac dhaawacyo ah intii lagu jiray fasaxa xulalka.
Marcus Rashford ayaa isaga baxay xulka England kadib dhaawac fudud oo uu ka qaaday kulankii Fulham.
Kobbie Mainoo ayaa sidoo kale ka maqnaa xulka England, inkastoo sababta maqnaanshihiisa aan si cad loo shaacin.
Patrick Dorgu ayaa dhaawac ku baxay kulankii Denmark iyo Wales.
Bruno Fernandes ayaa sidoo kale walaac laga muujiyay kadib markii uu seegay kulankii Portugal ay 2-1 kaga adkaatay Norway, inkastoo tababare Jorge Jesus uu sheegay inuu soo laaban karo toddobaadkan.
Taageerayaasha Manchester United ayaa hadda sugaya war rasmi ah oo ku saabsan xaaladda Mazraoui, maadaama dhaawaciisu uu saameyn ku yeelan karo diyaar garowga kooxda kulamada soo socda.

