DEG-DEG: Liverpool Oo Heshiis Cusub Ka Saxiixatay Alisson Becker

Kooxda Liverpool ayaa heshiis cusub ka saxiixatay goolhaye Alisson kaa soo kooxda ku sii hayn doona ilaa dhamaadka sanadka 2027.

Aintan ayaa imanaysa iyada oo Goolhayaha lala xidhiidhinayo ka tagista kooxda xilli uu xiiso ka helayo kooxaha horyaalka Talyaaniga.

Heshiiska Alisson ee Liverpool ayaa dhacayay xagaaga sanadka 2026 waxana lala xidhiidhinayay kooxaha horyaalka Talyaaniga.

Laakiin Fabrizio Romano ayaa haatan xaqiijiyay in ay Liverpool dhaqan galisay heshiiskii halka sano ee dookha ahaa.

Sidaas darteed Alisson ayaa joogi doona kooxda ilaa xagaaga sanadka dambe ee 2027.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga