Xiddiga Raphinha ee kooxda FC Barcelona ayaa walaac geliyay taageerayaasha Barcelona kaddib markii uu dhaawac dareemay intii lagu jiray ciyaartii saaxiibtinimo ee Brazil iyo Australia.
Raphinha ayaa ciyaarta ku soo bilowday isagoo xiran calaamadda kabtannimada xulka Brazil, maadaama uu maqnaa Marquinhos.
Si kastaba, xiddiga Barcelona ayaa nasashada lagu beddelay, iyadoo Xiriirka Kubadda Cagta Brazil uu sheegay in ciyaaryahanku dareemay daal muruqa ah oo ka dhacay bowdada midig.
Tababaraha Brazil, Carlo Ancelotti, ayaa go’aansaday in Raphinha aan lagu sii darin qeybta labaad, si looga fogaado in xaaladdiisu kasii darto.
Barcelona ayaa hadda sugaysa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan xaaladda Raphinha, gaar ahaan inta uu maqnaan karo iyo haddii dhaawacu saameyn doono kulamada soo socda ee kooxda.

