Halyeeyga Man United ee Paul Merson ayaa saadaaliyay kulanka adag ee dhexmari doona kooxaha Man United iyo Tottenham.
Man United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay gaadhaan guushoodii 2-aad oo xidhiidh ah premier League.
“Tani waa ciyaar aad u weyn labada kooxood. Tottenham waxa ay ciyaartaa daafac sare oo halis ah, Man United-na kama fiicna dhinaca daafaca sidaas darteed waa ciyaar furan, waxa aan filayaa in ay goolal badan kala dhaliyaan”.
“Way adag tahay in la tilmaamo waxa dhabta ah ee ka qaldan Manchester United wakhtigan xaadirka ah. Laakiin waxaan kuu sheegi karaa, xaqiiqda ah in ay wax ka khaldanyihiin”.
“Waa in ay ku soo laabtaan 4-ta boos ee ugu saraysa, waxa ay ahayd in ay shaqo fudud u noqoto koox Man United oo kale ah, waxa ay ahayd ciyaar fiican in ay badiyaan kulankii Twente si ay cadaadiska isaga qaadaan laakiin bal eeg waxa dhacay way ku fashilmeen in ay badiyaan inkasta oo ay hogaanka u qabteen ciyaarta”
“Haddii ay guuldarro ka soo gaarto Tottenham axada waxa ay dhibaato weyn ku noqon doontaa Man United, Ten Hag waa inuu ku guuleysto kulankaan hubaal,
wax kale oo laga rabo ma jirto”.
“Waxa aan filaynaa in ay Aston Villa iyo chelsea badiyaan kulankan sidaas darteed hadii ay Tottenham sido kale badiso waxa ay dhabar jab weyn ku noqon doontaa rajada United ee 4-ta boos ee ugu saraysa”.
Be the first to comment