
Halyeeyga Liverpool Steven Gerrard ayaa shaaca ka qaaday fikirkiisa ku saabsan bilowga Bradley Barcola Ee Liverpool, iyadoo sidoo kale lagu dhaliilay qaab ciyaareedkiisii kulankii maanta Ee uu Everton Ciyaaray.
Xagaagii, Barcola ayaa Liverpool kaga soo biiray kooxda Labadii Champions League Ee u danbeeye ku Guuleysaneysay Ee PSG, isaga oo ku yimid heshiis ku kacay ku dhawaad £123 milyan.
Liverpool ayaa lacag badan ku bixisay saxiixa Barcola si uu u buuxiyo booskii uu ka tagay Mohamed Salah, balse waxa uu waqti ku qaadanayaa la qabsiga nolosha garoonka Anfield kaddib markii uu kooxda ku soo biiray.
Barcola waxa uu leeyahay xawaare aad u cabsi badan, balse waxaa inta badan lagu dhaliilaa inuusan lahayn dhammeystir wanaagsan oo weerarka ah, waxaana uu saameyn yar ku yeeshay barbar-dhacii 1-1 ahaa Ee ay Liverpool Maanta la gashay Everton.
Intii uu kulanka socday, falanqeeyaha ciyaaraha Pat Nevin ayaa sharaxay sababta uu u filayo waxqabad ka wanaagsan kan Barcola.
“Alexander Isak ma helayo taageero ku filan, sidoo kalena kubadda ma helayo meelaha uu jeclaan lahaa. Muddo ayaan naftayda ka celinayay inaan ka hadlo Bradley Barcola,” ayuu Nevin u sheegay BBC Sport.
“Waxaa jirta sabab wanaagsan oo ay PSG u iibin weydo ciyaartoyda qaarkood, taasina waa inay yihiin ciyaartoy leh tayooyin badan, halka Barcola uusan sidaas ahayn. Marka la eego lacagta lagu soo iibsaday, waxaan filayay farsamo ciyaareed ka wanaagsan,” ayuu yiri.
Khabiirka kubadda cagta Faransiiska, Julien Laurens, ayaa isaguna intaas ku daray:
“Waxaan doonayaa inaan aamino in Bradley Barcola uu horumarin karo go’aan qaadashadiisa gudaha xerada ganaaxa.”
“Ma doonayo inaan iraahdo markii uu saxiixay heshiiska waan idiin sheegnay, balse inkastoo uu leeyahay hibo badan, haddana go’aan qaadashadiisa marka uu goolka hortiisa joogo waa dhibaato.”
Steven Gerrard oo ra’yigiisa ka dhiibtay Bradley Barcola:
Ka hor kulankii Everton, Gerrard ayaa sharaxay “dhaliil yar” oo uu ka qabo Barcola.
“Waxaan PSG la soconaynay muddo sanado ah annagoo ka shaqaynayna TNT Sport, runtii aad ayaan u jeclahay ciyaaryahankan, waxaanan jeclahay qaabka loo soo tababaray halkaas,” ayuu Gerrard ka sheegay BBC 5 Live.
“Waxaan filayay inuu wax yar ka fiicnaan doono dhinaca dhammeystirka fursadaha markii uu yimid… Haddii ay jirto hal dhaliil oo yar oo aan ka qabo wixii aan ilaa hadda ku arkay isaga oo xiran funaanadda Liverpool, waa qaybtaas ugu dambeysa.”
“Sidaas darteed, waa inuu kubadda si ka dhaqso badan u tuuraa, isla markaana uu go’aanka toogashada si dhaqso leh u qaataa. Mararka qaar goolal aan qurux badnayn ayaa dhici kara, balse waxay ila tahay inuu isku dayayo inuu dhaliyo goolka ugu quruxda badan, wuxuuna isku dayayaa inuu taabasho dheeraad ah sameeyo, isla markaana uu xirfad dheeraad ah ku daro, halka aan anigu dareemayo inuusan taas u baahnayn.”
Gerrard ayaa sidoo kale garabka weerarka u sheegay inuu Liverpool u noqdo ciyaaryahan “dilaa ah” marka uu goolka hortiisa joogo.
Gerrard ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay:
“Laakiin aniga ahaan, si uu heerka xiga uga gaaro funaanadda Liverpool, waxaan ku arkay isagoo PSG u ciyaaraya, waxaanan arkay isagoo fursadaha si fiican u dhammeystiraya. Haddii uu awoodi karo inuu Liverpool dhexdeeda ku muujiyo dhammeystir wanaagsan, markaas kooxdani way tartami kartaa. Ma aha oo kaliya Premier League, balse sidoo kale marxaladaha dambe ee Champions League.
“Wuxuuna noqon karaa ciyaaryahan muhiim ah haddii uu noqdo mid xoogaa ka naxariis daran marka uu goolka hortiisa joogo, isla markaana fursadaha si fiican u dhammeystira. Waa inuu noqdaa ciyaaryahan dilaa ah, halkii uu ka ahaan lahaa qof ciyaartiisu indhaha u qurux badan tahay balse ugu dambeyn kugu reeba niyad-jab.”
