Kulanka weyn Ee Merseyside Derby ayaa soo idlaaday, kaas oo ay si weyn u sugayeen taageerayaasha kubadda cagta, iyafoo ay kusoo dhammaa5ay barbaro 1-1 ah, kaddib markii kooxaha Everton iyo Liverpool ay dhibcaha ku kala qaybsadeen garoonka Hill Dickinson Stadium.
Labada kooxood ayaa soo bandhigay kulan xamaasad leh oo ay ka muuqatay tartanka adag Re taariikhiga ah Ee ka dhexeeya labada kooxood Ee magaalada Liverpool.
Kulankan oo ahaa derby-gii 249-aad Ee taariikhda labada kooxood kulmeen, ayaa mar kale muujiyay sababta uu Merseyside Derby-gu uga mid yahay kulamada ugu xiisaha badan kubadda cagta Ingiriiska. Inkastoo labada kooxood ay lahaayeen fursado ay guusha ku gaari kareen, haddana waxay ugu dambeyn ku qasbanaadeen inay hal dhibic midkiiba qaataan.
Liverpool oo si degdeg ah ciyaarta ku bilaabatay:
Liverpool ayaa si wanaagsan ku bilaabatay kulanka, iyadoo aan waqti badan ku lumin raadinta goolka koowaad. Daqiiqaddii 5-aad ayay kooxda martida ahayd hoggaanka ciyaarta qabatay, kaddib markii Florian Wirtz uu kubad si wanaagsan u maamulay una sii dhiibay Dominik Szoboszlai, kaas oo darbo qurux badan ku garaacay goolhayaha Everton Ee Jordan Pickford.
Goolkaas ayaa Liverpool siisay kalsooni dheeraad ah, waxaana muddo kooban muuqatay in kooxda martida ahi ay dooneyso inay cadaadiska sii kordhiso, isla markaana ay hesho gool labaad oo ay ciyaarta ku adkeyso.
Everton ayaa iyaduna isku dayday inay si dhaqso ah uga jawaabto goolka laga dhaliyay, iyadoo taageerayaasheeda garoonka ku sugnaa ay si weyn u dhiirrigelinayeen ciyaartoyda. Kooxda uu maamulo Macalin David Moyes ma aysan dooneyn inay si fudud u oggolaato in Liverpool ay gacanta ku dhigto kulanka, waxaana bilowday dagaal adag oo dhex maray labada dhinac.
Jeremie Frimpong oo Own Goal iska dhaliyay:
Daqiiqaddii 25-aad ayay Everton heshay goolka barbaraha, balse ma ahayn gool uu ciyaaryahan si toos ah u dhaliyay. Kubad laad xor ah oo uu soo qaaday Kiernan Dewsbury-Hall ayaa jahawareer ka abuurtay xerada ganaaxa Liverpool, waxaana isku daygii Jeremie Frimpong ee uu ku doonayay inuu kubadda iska fogeeyo uu ku dhammaaday inuu shabaqiisa ku hubsado.
Goolkaas ayaa Everton dib ugu soo celiyay ciyaarta, waxaana garoonka ka dhacay dabaaldeg weyn oo ay sameeyeen taageerayaasha kooxda martida loo ahaa. Natiijadu waxay noqotay 1-1, iyadoo labada kooxood ay mar kale ku khasbanaadeen inay dagaalka dib u bilaabaan.
Liverpool ayaa isku dayday inay dib ula wareegto hoggaanka ciyaarta, halka Everton ay iyaduna raadineysay fursad ay ku dhaliso goolka labaad. Labada dhinacba waxay muujiyeen rabitaan xooggan, balse ma jirin koox awood u yeelatay inay hesho gool kale ka hor dhammaadka qaybtii hore.
Qaybtii labaad oo dagaal adag laga arkay Kulanka:
Markii dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad, labada tababare waxay doonayeen inay helaan isbeddel ciyaareed oo kooxahooda u horseeda guusha. Liverpool ayaa haysatay kubad badan, iyadoo isku dayaysay inay dhisto weerarro ay ku jebiso difaaca Everton, halka kooxda gurigeeda joogtay ay xoogga saartay adkeynta difaaceeda iyo raadinta fursadaha weerar rogaal Celiska ah.
Everton ayaa muujisay adkeysi iyo dadaal, iyadoo aan Liverpool si sahlan ugu oggolaan inay hesho waddo ay ku gaarto goolkeeda. Difaaca kooxda ayaa si dhow ula socday weeraryahannada Liverpool, waxaana marar badan la arkay ciyaartoyda Everton oo isku dayaya inay xiraan meelaha ay Liverpool ka abuuri karto fursadaha halista ah.
Dhanka kale, Liverpool waxay sii waday raadinta goolka guusha, iyadoo isku dayaysay inay ka faa’iideysato tayada ciyaartoydeeda weerarka. Alexander Isak ayaa ka mid ahaa ciyaartoydii fursado helay, balse Liverpool uma suurtagelin inay kubadda mar kale shabaqa Everton geliso.
Daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta ayaa ahaa kuwo xiiso badan, iyadoo Liverpool ay cadaadis dheeraad ah saartay kooxda martida loo ahaa, balse Everton ayaa iska caabisay weerarradaas. Inkastoo labada kooxood ay dadaal sameeyeen, haddana wax goolal ah lagama dhalin qaybtii labaad.
Barbaro ay labada kooxood wax ku kala heleen:
Markii uu garsooruhu dhammaadka ciyaarta ku dhawaaqay, natiijadu waxay ahayd Everton 1-1 Liverpool. Dominik Szoboszlai ayaa Liverpool goolka u dhaliyay daqiiqaddii 5-aad, halka Jeremie Frimpong uu si kama’ ah goolka barbaraha ugu dhaliyay Everton daqiiqaddii 25-aad.
Natiijadan waxay Liverpool siisay hal dhibic oo ay ku gaartay 22 dhibcood, iyadoo kaalinta afraad kaga jirta miiska kala sarreynta Premier League. Everton ayaa iyaduna hal dhibic ku dartay dhibcaheeda, iyadoo leh 17 dhibcood kana fadhida kaalinta siddeedaad.
Dhanka Liverpool, barbarahan wuxuu noqon karaa natiijo ay ka qoomameyso marka la eego sida ay ciyaarta ku bilaabatay iyo hoggaankii ay si dhaqso ah u qabatay. Si kastaba ha ahaatee, inay dhibic ka hesho garoonka kooxda ay xafiiltamaan ayaa weli ah wax ay kooxdu ka sii dhisi karto kulamada soo socda.
Everton dhankeeda, inay Liverpool la barbaro gasho kulanka derby-ga, iyadoo garoonkeeda ku ciyaareysa, waxay u tahay natiijo ay ka qaadan karto dhinacyo wanaagsan, gaar ahaan dadaalka ay muujisay kaddib markii gool laga hormaray.
Merseyside Derby-gu mar kale wuxuu caddeeyay in kulamada noocan ahi aysan ku xirnayn oo keliya tayada ciyaartoyda, balse ay sidoo kale ku jiraan cadaadis, xamaasad, taariikh iyo sharaf ay labada kooxood u dagaallamayaan.
Ugu dambeyn, Liverpool iyo Everton ayaa dhibcaha ku kala qaatay Hill Dickinson Stadium, iyadoo labada kooxood ay hadda indhaha u jeedinayaan kulamadooda xiga ee Premier League.

