Arsenal oo Heshay Weeraryahankii Dhaga weynaha Champions League u qaadi lahaa, Halka uu isaga Xiiseynayo

0

Arsenal ayaa lagu soo warramayaa inay xiisaynayso saxiixa xiddiga reer Norway ee Antonio Nusa, kaasoo haatan u ciyaara RB Leipzig. Ciyaaryahanka ayaa la sheegay in u wareegista kooxda Arsenal suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Ee bisha Janaayo ay tahay arrin uu aad u xiisaynayo., iyadoo Leipzig lagu soo waramayo inay ku qiimaynayso xiddiga lacag dhan £80 milyan.

Inkasta oo kooxda Arsenal ay barbaro 2-2 ah la gashay Newcastle United Sabtidii, haddana waxay dhab ahaantii lix dhibcood ku dheereysatay hoggaanka kala sarreynta Premier League, kadib markii kooxda kaalinta labaad ku jirtay Ee Brighton ay guuldarro kala kulantay Hull City.

Advertisment

Arsenal ayaa u socota inay xilli ciyaareedkan difaacato horyaalkeeda Premier League, balse khubaro badan oo kubadda cagta ka faallooda iyo ciyaartoy hore ayaa ku adkeysanaya in kooxdu weli u baahan tahay xoojin dhanka weerarka ah, gaar ahaan haddii ay doonayso inay u tartanto dhaga weynaha Champions League.

Kooxda uu Macalinka u yahay Mikel Arteta ayaa isku dayday inay xagaagii la soo dhaafay la soo wareegto weeraryahano magac weyn leh, iyadoo bartilmaameed ka dhiganaysay Morgan Rogers, oo ugu dambayn ku biiray Chelsea, Julian Alvarez iyo Vinicius Junior kuwaas oo ugu danbeyntii kooxohooda sii joogay.

Arsenal kuma guuleysan inay la soo wareegto ciyaaryahan magac weyn leh, iyadoo Christos Tzolis uu ahaa ciyaaryahanka keliya Ee ay ku soo kordhisay weerarka, kadib markii ay oggolaatay in Leandro Trossard, Gabriel Jesus iyo Gabriel Martinelli ay ka tagaan garoonka Emirates Stadium.

Gunners ayaa Eegi doonta inay heshiisyo samayn karto bisha Janaayo, iyadoo garabka weerarka uga ciyaara Leipzig iyo xulka Norway, Nusa, uu hadda soo baxay inuu ka mid yahay bartilmaameedyadeeda ugu waaweyn suuqa xagaaga nagu soo food leh.

Bryan King, oo hore uga soo shaqeeyay indha-indheynta ciyaartoyda Tottenham iyo Aston Villa, isla markaana khabiir ku ah kubadda cagta Norway, ayaa shaaca ka qaaday in tallaabada xigta Ee Nusa ay noqon doonto u wareegista Horyaalka Premier League-ga, iyadoo la filayo in Leipzig ay ka hesho lacag ku dhow £80 milyan.

King ayaa u sheegay Football Insider: “Tallaabadiisa xigta waxay noqon doontaa mid weyn, waxayna noqon doontaa Premier League. Dhab ahaantii wuxuu raacay raadkii Haaland, isagoo ka yimid Norway.”

“Hadda wuxuu joogaa Jarmalka, tallaabada xigtana waxay noqon doontaa Premier League. Aad ayaan ula yaabi lahaa haddii wax heshiis ah uusan dhicin, xitaa suuqa kala iibsiga ee Janaayo.”

“Immisa jeer ayaan maqalnay in la leeyahay, ‘ma oggolaan doonaan inuu baxo, mana samayn doonaan arrintan.’ Bal eeg Newcastle iyo Alexander Isak. Arrintaasi muddo dheer ayay soo jiitamaysay, sidoo kalena waxay sheegi jireen inaysan iibin doonin [Bruno] Guimaraes.. kaasoo ugu danbeyntii ku biiray Gunners.

Bryan King ayaa intaas ku daray:

“Arsenal ayaa la imaanaysa lacag aad u badan. Lacagtu waa qodobka ugu weyn ee arrintan laga hadlayo. Hadda waa waqtigii la iibin lahaa, marka la eego sida wiilku u ciyaarayo, waxaad ka heli doontaan £80 milyan.”

Antonio Nusa oo xiisaynaya fikradda ah inuu ku biiro kooxda Arsenal:

Warbixin kale oo ay baahisay Wargeyska Football Insider ayaa sheegtay in Nusa uu xiisaynayo fikradda ah inuu Arsenal ku biiro xagaaga soo socda, iyadoo Gunners ay si dhab ah uga fiirsan doonto inay la soo wareegto xiddiga xulka Norway xagaaga soo socda.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay: in la fahamsan yahay in Nusa uu mustaqbal suurtagal ah ku arko garoonka Emirates Stadium, isla markaana uu diyaar u yahay inuu u wareego kooxda.

 

Ilaha xogta ayaa sheegaya in ciyaaryahanka garabka ka ciyaara uu Arsenal u arko mashruuc aad u soo jiidasho leh xilligan, kadib guulihii ay kooxdu gaartay sanadihii ugu dambeeyay.”

Halyeeyga Arsenal Ian Wright ayaa hore u taageeray heshiiskaas, kadib markii uu sheegay in Gunners ay “si fudud u aaddo oo ay la soo wareegto xiddigaas”, maadaama kooxdu aad ugu baahan tahay hal-abuur dheeraad ah.

Wright ayaa u sheegay warbaahinta Sky Sports:

“Waxaan doonayaa inaan xoojino garabka bidix iyo weerarka. Mar uun waa inaan nidhaahnaa, ‘waa inaan tallaabada qaadnaa oo aan isku daynaa.”

“Waxaa nala xiriiriyay Nusa oo ka tirsan RB Leipzig. Waxaan qabaa inaan si fudud u aaddo oo aan la soo wareegno… Waxaan maanta aragnay Tzolis, mana aanan arag wax ku filan oo uu muujiyay.”

“Waxaan qabaa in Havertz, haddii uu helo ciyaaryahan la heer ah ama ka wanaagsan oo tartan geliya, aan wax badan ka heli karno, taas oo uu u baahan yahay. Mana aaminsani in arrintaasi ay ka imanayso Gyokeres.”

Ian Wright wuxuu Kooxda Arsenal ku qanciye inay Antonio Nusa sida ugu dhaqsiyaha badan ay kula soo wareegaan, wuxuuna tilmaamay in xiddigaha Haatan Afka Hore Ee weerarka ka ciyaara sida Havertz iyo Gyokeres ay u baahan yihiin tartan si ay wax soo saar fiican u yeeshaan.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here