Manchester United oo racfaan ka qaadanaysa kaarka cas Ee Leny Yoro la siiye, kulankii xalay ay guuldarrada kala kulmeen Liverpool

0

Kooxda Manchester United ayaa qorsheyneysa inay racfaan ka qaadato kaarka cas Ee Leny Yoro la siiyay daqiiqaddii siddeedaad Ee ciyaartii xalay ay 4-0 kaga guuldarreysteen Liverpool. United ayaana la tilmaamayaa inay FA-da ku wargelisay qorshaheeda ku aaddan inay racfaan ka qaadaneyso go’aankaas.

Daafaca Reer France ayaa garoonka laga saaray kadib markii uu qalad ku galay Alexander Isak meel ka baxsan xerada ganaaxa, balse Mauricio Pochettino ayaa aaminsan in weeraryahanku uusan kubadda gaari lahayn si uu fursad gool ugu wajahdo Senne Lammens, sidaas darteedna aysan ahayn qalad mudan in ciyaaryahanka lagu siiyo kaarka cas.

Advertisment

Tababaraha Cusub Manchester United Mauricio Pochettino ayaa yiri:

“Anigu kuma raacsani garsooraha go’aankaas uu qaatay, sababtoo ah kubaddu ma aysan ku jirin gacanta Isak. Leny ayaa la ordayay, markii Isak uu arkay in kubaddii uusan si fiican u xakameyn oo ay u socoto goolhayaha, waa wax caadi ah inaad gaabiso, orodka joojiso, sugto inaad dareento taabashada, kadibna aad dhacdo. Taasi marnaba ma ahayn qalad.”

Dominik Szoboszlai ayaa laadkii xorta ahaa Ee ka dhashay qaladkaas u beddelay gool, isagoo Liverpool hoggaanka u dhiibay, halka Florian Wirtz uu saddex daqiiqo kadib goolka labaad dhaliyay. Rio Ngumoha iyo Victor Muñoz ayaa iyaguna dhammaystiray goolasha, iyadoo Pochettino uu guuldarradiisii ugu horreysay la kulmay tan iyo markii uu qabtay shaqada tababarenimada Manchester United, taasoo kooxda ay u dhaadhaacday kaalinta 19-aad Ee kala sareynta Horyaalka Premier League.

Khadka dhexe kooxda Man United Ee Kobbie Mainoo ayaa kadib ciyaarta ay Guuldarada kala kulmeen kooxda Liverpool wareysi bixinaye ayaa yiri:

“Waxaan joognaa heerkii ugu hooseeyay Ee aan waligeen gaarnay, mana jiro qof noo imaanaya si uu noo badbaadiyo,”

“Ma jiraan gacmo na caawinaya oo noo soo fidsan, sidaas darteed waa inaan si wadajir ah u shaqeynaa, midba midka kale garab istaagnaa, shaqadana sii wadnaa, waxaana rajeyneynaa in xaaladdu ay wanaagsanaato.”

‎— sidaas ayuu ugu waramaya MUTV.

Dhanka kale aan usoo laabano Kaarka cas uu Yoro qaatay, Yoro ayaa lagu wado inuu ganaax hal kulan ah ku dhici doono kaas oo ah kulanka Sabtida Ee ay garoonkooda kula ciyaari doonaan kooxda Brentford, kulan ka tirsan Premier League. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu diyaar u yahay kulanka Manchester United ay isla isbuucan Arbacada Champions League-ka kula ciyaari doonto Sporting Lisbon.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here