Fadeexadda la xiriirta xiriirka Manchester City iyo dowladda Britain ayaa sii xoogeysaneysa, kaddib markii dukumentiyo cusub ay muujiyeen in guddoomiyaha kooxda, Khaldoon Al Mubarak, uu baaritaanka dhaqaale ee Premier League ku hayo kooxdiisa kala hadlay wasiirkii ganacsiga Britain, Jonathan Reynolds.
Sida uu baahiyey wargeyska The Sun, kulanka ayaa ka dhacay magaalada Dubai 1-dii November 2024, xilli Manchester City ay wajahaysay baaritaan muddo 11 toddobaad ah socday oo la xiriiray eedeymo ku saabsan jebinta xeerarka maaliyadeed ee Premier League.
Dukumentiyada oo lagu helay sharciga xorriyadda xog-helidda (Freedom of Information Act) ayaa xaqiijiyey in baaritaanka Manchester City lagu xusay warbixintii rasmiga ahayd ee kulanka.
Khaldoon Al Mubarak ayaa kulanka uga qeybgalay isaga oo sidoo kale ah madaxa shirkadda maalgashiga dowladda Abu Dhabi ee Mubadala Investment Company.
Si kastaba ha ahaatee, inta badan qoraallada kulanka ayaa la madoobeeyey, taasoo aan suuragelin in si buuxda loo ogaado waxyaabihii laga wada hadlay iyo jawaabihii la bixiyey.
Dhinaca kale, ilo ka tirsan dowladda Britain ayaa sheegay in baaritaanka Manchester City uu Al Mubarak si kooban u soo hadal qaaday bilowgii kulanka, balse wada-hadallada intiisa kale ay ku saabsanaayeen ganacsiga iyo maalgashiga labada dhinac.
Arrintan ayaa dhalisay dhaleeceyn siyaasadeed, iyadoo Louie French oo ah wasiirka hadal-haynta arrimaha ciyaaraha ee mucaaradka uu dowladda ka dalbaday inay soo bandhigto faahfaahinta kulanka, isla markaana caddeyso waxa laga wada hadlay iyo jawaabta wasiirku bixiyey.
Dhanka kale, Manchester City ayaa horay loogu helay in ka badan 100 xadgudub oo la xiriira xeerarka maaliyadeed ee horyaalka, balse kooxda ayaa racfaan ka qaadatay go’aanka. Waxay wajihi kartaa ganaax lacageed oo culus iyo suuragalnimada in heerka koowaad laga reebo.
Dowladda Abu Dhabi ayaa lagu qiyaasay inay ku maalgelisay magaalada Manchester ku dhowaad hal bilyan oo gini tan iyo markii ay kooxda la wareegtay sannadkii 2008.

