Kooxda Liverpool ayaa lagu soo warramayaa inay dadaal xooggan ugu jirto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Monaco, Lamine Camara, iyadoo ay suurtagal tahay inay qorshaheeda soo iibintiisa ka soo hormariso suuqa kala iibsiga ee Janaayo.
Wariye James Pearce oo ka tirsan The Athletic ayaa sheegay in Liverpool ay xiisaynayso inay Camara keento Anfield xilli ciyaareedkan, inkastoo markii hore loo qorsheeyay inay la soo saxiixato xagaaga 2027.
Liverpool ayaa doonaysa inay ku celiso xeeladdii ay ku soo qaadatay Luis Diaz bishii Janaayo 2022, markaas oo ay Tottenham kaga hormartay saxiixa xiddiga reer Colombia, kaasoo markii dambe door weyn ka qaatay guulihii kooxda.
Dhanka kale, wariye Lewis Steele ayaa sheegay inay suuragal tahay in Liverpool ay heshiis shaqsi ah la gaartay Lamine Camara, iyadoo ilo ku dhow Chelsea ay sidoo kale aaminsan yihiin in Reds ay heshiis la leedahay ciyaaryahanka.
Steele ayaa xusay in dhaawacyada Dominik Szoboszlai iyo Ryan Gravenberch, iyo da’da yar ee Trey Nyoni, ay Liverpool ku riixi karaan inay soo dedejiso qorshaha ay kula soo wareegayso xiddiga reer Senegal.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Liverpool ay hore u dhammaystirtay diyaar-garowga heshiiska Camara, isla markaana Monaco ay oggolaatay in kooxda reer England ay wadahadallo ku saabsan saxiixiisa bilowdo.
Liverpool ayaa lagu soo warramayaa inay dalabkeeda ku furi karto 42 milyan oo gini, halka Monaco ay qiimaha ciyaaryahankeeda ku doonayso ku dhowaad 58 milyan oo gini.
Chelsea ayaa sidoo kale hore ugu dhowaatay saxiixa Camara maalintii ugu dambeysay suuqa xagaaga, balse Liverpool ayaa hadda si xooggan ugu soo biirtay tartanka.

