Madaxweynaha kooxda Real Madrid, Florentino Perez, ayaa la sheegay inuu kalsooni weyn ku qabo in weeraryahanka Manchester City, Erling Haaland, uu ku biiro kooxda reer Spain sanadka 2027, sida uu qoray wariye Nick Harris.
Haaland ayaa muddo dheer ku jiray liiska ciyaartoyda ay doonayso Real Madrid, waxaana marar badan la hadal hayay inuu mustaqbalka ka tagi doono Manchester City si uu ugu biiro kooxda ka dhisan Santiago Bernabeu.
Walaaca ka dhashay dacwadaha Manchester City ee la xiriira jebinta xeerarka dhaqaalaha Premier League ayaa mar kale sare u qaaday wararka ku saabsan mustaqbalka Haaland iyo ciyaartoyda kale ee kooxda.
Nick Harris ayaa sheegay in ilo xog-ogaal ah oo dhawaan la kulmay Florentino Perez ay u sheegeen in madaxweynaha Real Madrid uu sii xoojinayo kalsoonida uu ku qabo in Haaland uu noqon doono ciyaaryahan Real Madrid ah.
Dhanka kale, wakiillada ciyaartoy badan oo Manchester City ah ayaa la sheegay inay durba baarayaan suurtagalnimada ay ciyaartoydoodu kooxda uga tagi karaan si xor ah, haddii racfaannada City ee dacwadaha dhaqaale ay fashilmaan.
Harris ayaa sidoo kale sheegay in qareennada uu arrintan kala hadlay ay intooda badan shaki ka qabaan in Manchester City ay ku guuleysan karto qodobada ugu waaweyn ee racfaankeeda, inkastoo qaar ay rumeysan yihiin inay guul ka gaari karto qayb ka mid ah dacwadda.
Dhanka kale, Michael Ball oo hore ugu soo ciyaaray Manchester City ayaa isaguna aaminsan in Haaland uu mustaqbalka u dhaqaaqi karo Real Madrid, halkaas oo uu weerarka kula midoobi karo Kylian Mbappe.
Ball ayaa sheegay in Haaland uu marxalado kala duwan ka soo maray xirfaddiisa ciyaareed, isagoo marka hore ku guuleystay inuu magac ka sameysto Borussia Dortmund, kaddibna u dhaqaaqay Manchester City, waxaana tallaabada xigta ay noqon kartaa inuu tijaabiyo horyaal iyo koox kale oo waaweyn.
Wuxuu intaas ku daray inay ku adkaan doonto inuu Haaland ku sii nagaado Premier League haddii uu go’aansado inuu ka tago Manchester City, isagoo tilmaamay in isku darka Haaland iyo Mbappe ee Real Madrid uu noqon lahaa weerar aad u awood badan.

