Kooxda Manchester United ayaa si cad u diiday fikradda ah inay iska fasaxdo daafaceeda reer Morocco, Noussair Mazraoui, inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga ee jiilaalka soo socda, inkastoo ay xiiseynayaan kooxaha AC Milan, Juventus iyo dhowr naadi oo ka dhisan horyaalka Saudi Pro League.
Shabakadda Daily Briefing ayaa ku warrantay in kooxaha reer Talyaani ay si dhow ula socdaan xaaladda ciyaaryahanka, halka kooxaha Sacuudiga ay wax ka weydiiyeen maqaamkiisa, maadaama uu awood u leeyahay inuu ka ciyaaro daafaca midig, daafaca bidix iyo daafaca dhexe.
AC Milan ayaa u muujisay xiiso gaar ah maadaama uu hoggaanka u qabtay tababarihii hore ee Manchester United, Ruben Amorim, kaas oo si fiican u yaqaanna tayada Mazraoui. Warbixinno hore ayaa tilmaamay in Milan ay la xiriirtay wakiillada laacibkan, balse aan weli la gaarin wax heshiis rasmi ah. Amorim ayaa horay ugu tilmaamay daafacan ciyaaryahan heer sare ah oo ah mustaqbalka kooxda, halka mareegta rasmiga ah ee United ay ammaantay farsamadiisa iyo deggenaanshihiisa marka uu kubbadda haysto.
Mazraoui ayaa qandaraas kula jira Manchester United ilaa sanadka 2028, mana doonayso kooxdu inay iibiso bisha Janaayo muhiimaddiisa taatikada darteed, xitaa haddii uusan ku soo bilaaban kulan kasta.
Shabakadda CaughtOffside ayaa aaminsan in sii haysashada xiddigan ay tahay dookha ugu fiican ee United, maadaama buuxinta booskiisa ay kooxda ugu kici karto lacag ka badan tan ay ka heli lahayd iibintiisa.

