Ganaaxyada Culus ee Man City kudhici kara oo faah faahino laga helay goorma laganaaxayaa?

0

Waqtiga la dhageysan doono racfaanka kooxda Manchester City ee la xiriira kiiska 115-ka eedeymood ee Premier League ayaa la shaaciyay, sida uu ku warramay wargeyska Financial Times.

Bishii Sebteembar, guddi madax-bannaan ayaa ku helay City 114 dambi oo la xiriira heshiisyo been-abuur ah oo ay ku kordhiyeen dakhligooda ilaa 900 oo milyan oo gini intii u dhaxaysay 2009 ilaa 2018.

Advertisment

Dhageysiga racfaanka kooxda tababare Enzo Maresca ayaa bilaaban doonta bartamaha bisha Diseembar. Guddi cusub oo madax-bannaan ayaa go’aan ka gaari doona kiiska, waxaana haddii ay City ku guuldarraysato lagu soo rogi doonaa ciqaab horraanta sanadka soo socda.

Ciqaabta ayaa noqon karta ganaax lacageed, in laga jaro ilaa 50 dhibcood, ama in laga saaro horyaalka Premier League. Si kastaba ha ahaatee, ciqaab kasta oo la soo saaro waxay yeelan doontaa racfaan kale, taas oo sii dheereyn karta dagaalka sharciga ah.

Madaxa fulinta ee City, Ferran Soriano, ayaa weli ku adkeysanaya inaysan wax dambi ah gelin. Qareennada kooxda ayaa ku doodi doona in lacagaha kafaala-qaadka ay bixisay dowladda Abu Dhabi ee aysan ka imaan jeebka milkiilayaasha kooxda ee Abu Dhabi United Group (ADUG).

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here