Bruno oo diiday dalabkii 2aad ee heshiis kordhinta & Xiisad ka dhex taagan Man utd ……..

0

Kooxda Manchester United ayaa weli aaminsan inay ku qancin karto kabtankeeda Bruno Fernandes inuu qalinka ku duugo heshiis cusub, inkastoo xiddiga reer Portugal uu hore u diiday labo dalab oo qandaraas kordhin ah.

Fernandes, oo 32 jir ah, ayaa ku sii dhawaanaya lixdii bilood ee ugu dambeysay heshiiskiisa haatan, waxaana United ay dooneysaa inay xal ka gaarto mustaqbalkiisa ka hor inta uusan xiiseyn ka helin kooxaha kale.

Advertisment

Si kastaba ha ahaatee, Manchester United ayaa heysata ikhtiyaar ay heshiiskiisa ugu kordhin karto hal sano oo dheeraad ah, waxaana la filayaa inay arrintaas dhaqan geliso ka hor 1-da Janaayo si looga hortago inuu heshiis hordhac ah la gaaro koox ka baxsan England.

Ilo ku dhow ciyaaryahanka ayaa muujiyay rajo ku aaddan in labada dhinac ay heshiis gaari doonaan, halka maamulka United uu aaminsan yahay in diidmada dalabyada ugu horreeya ay tahay arrin caadi ka ah wadahadallada qandaraasyada.

Fernandes ayaa Manchester United ku soo biiray Janaayo 2020, wuxuuna kooxda kula guuleystay koobab kala duwan, isagoo sidoo kale shan jeer ku guuleystay abaalmarinta Sir Matt Busby ee ciyaaryahanka sanadka.

Mid ka mid ah qodobada la xiriira wadahadallada cusub ayaa ah mushaarka, maadaama Fernandes uu toddobaadkii qaato ku dhowaad £250,000, halka Marcus Rashford uu helo £325,000 toddobaadkii.

Xiddiga reer Portugal ayaa sidoo kale hore u helay dalab uga yimid Al Nassr sannadkii 2025, balse tababarihii xilligaas Ruben Amorim ayaa ku qanciyay inuu sii joogo Old Trafford.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here