Barcelona oo dooneysa iney lawareegto Van Dijk miyuu ku biiri doonaa ?

0

Kabtan-ka kooxda Liverpool, Virgil van Dijk, ayaa la sheegay inuu xiiseynayo ku biirista kooxda Barcelona, isaga oo wakiilladiisa ka codsaday inay xiriir hordhac ah la sameeyaan kooxda reer Catalonia.

Daafaca dhexe ee reer Netherlands ayaa ka fikiraya inuu u wareego garoonka Camp Nou, si uu halkaas ugu qaato hal ama labo xilli ciyaareed oo ugu dambeeya xirfaddiisa ciyaareed.

Advertisment

Wararka ayaa sheegaya in fursadda uu kula shaqeyn karo tababare Hansi Flick ay door weyn ka qaadatay xiisaha uu u qabo Barcelona.

Van Dijk ayaa la sheegay inuu doonayo inuu Barcelona ku biiro marka uu dhammaado heshiiskiisa Liverpool, taasoo kooxda reer Spain siin karta fursad ay kula soo saxiixato isaga oo xor ah.

Dhanka kale, Liverpool ayaa la sheegay inay heysato ikhtiyaar ay €55 milyan kaga dhigan karto saxiixa daafaca Barcelona ee Ronald Araújo mid rasmi ah.

Si kastaba ha ahaatee, wararka la xiriira xiisaha Van Dijk ee Barcelona weli ma aha heshiis rasmi ah, waxaana la sugayaa haddii ay labada dhinac u gudbaan wadahadallo dhab ah.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here