Kevin De Bruyne oo qorsheynaya inuu isaga tago Napoli, xaaskiisa oo shaacisay halka ay u guurayaan

0

Xiddiga reer Belgium ee Kevin De Bruyne ayaa la filayaa inuu mustaqbalka dhow isaga tago kooxda Napoli, kaddib markii xaaskiisa Michelle ay shaacisay inay qoysku doonayaan inay dib ugu laabtaan dalkooda Belgium.

Michelle, oo la hadashay majaladda Belgian-ka ah ee NINA, ayaa sheegtay in iyada iyo De Bruyne ay marar badan ka wada hadlaan mustaqbalkooda, isla markaana ay sii kordhayaan rabitaankooda ah inay ku noolaadaan gobolka Limburg ee Belgium.

Advertisment

“Dabcan, waxaan ka wada fikirnaa mustaqbalka, waxaana marar badan is leenahay waxaan dib ugu noolaan doonnaa Limburg. Sida ugu dhakhsaha badan ee aan halkaas ugu laabanno ayay noo wanaagsan tahay,” ayay tiri Michelle.

Waxay sidoo kale sheegtay in nolosha magaalada Naples aysan qoyska u sahlanayn, iyadoo tilmaantay in De Bruyne uu halkaas ku nool yahay nolol xaddidan, islamarkaana aysan si xor ah qoys ahaan ugu wada bixi karin magaalada.

Michelle ayaa xustay in noloshoodii Manchester ay aad uga duwanayd tan Naples, maadaama ay halkaas si caadi ah u socon kareen iyaga oo aan mar kasta la sawirayn.

De Bruyne ayaa Napoli kaga biiray Manchester City sannadkii 2025, kaddib markii uu soo dhammaaday waayihiisii guusha badnaa ee kooxda Ingiriiska. Hase yeeshee, joogitaankiisa Talyaaniga waxaa hareeyay dhaawacyo iyo dhibaatooyin la xiriiray xaaladdiisa kooxda.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya inuu khilaaf kala kulmay tababarihii hore Antonio Conte, halka warar kale ay tilmaameen inuu isku dhac kala dhexmaray qaar ka mid ah saaxiibbadiisa kooxda.

Xiddiga reer Belgium ayaa Napoli kula saxiixday heshiis labo sano ah oo dhacaya xagaaga 2027, inkastoo hadallada xaaskiisa ay sii kordhiyeen su’aalaha ku saabsan mustaqbalkiisa kooxda.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here