DEG DEG Rodri oo dhaawacmay & kulamada uu seegi karo xaaladiisa waa sidee ?

0

Xiddiga Khadka dhexe ee Barcelona, Rodri, ayaa la sheegay inuu seegi doono kulanka adag ee ay dhammaadka toddobaadkan La Liga kula ciyaari doonaan Atletico Madrid, kadib dhaawac muruqa bowdada ah.

Sida uu wariye Javi Miguel sheegay, 30-jirkan ayaa waxaa dhaawac ka soo gaaray lugta midig kulankii ay Barcelona xalay Champions League 3-0 kaga badisay Aston Villa.

Advertisment

Tababare Hansi Flick ayaa ciyaaryahanka garoonka ka saaray markii ay dhammaatay qeybtii hore ee ciyaarta.

Rodri ayaa ku biiray liiska sii kordhaya ee dhaawacyada Barcelona, kaasoo ay hore ugu jireen Eric Garcia, Jules Kounde, Andreas Christensen, Xavi Espart iyo Dani Olmo.

Weli lama oga in dhaawacani saameyn ku yeelan doono xulashada Rodri ee xulka qaranka Spain, kaasoo isu diyaarinaya kulamada soo socda ee Nations League.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here