Taageerayaasha Manchester United ayaa dalbanaya in da’yarka Shea Lacey la siiyo door weyn, kadib bandhiggiisii cajiibka ahaa ee kulankii ay kooxdu 3-2 kaga adkaatay AS Roma tartanka Champions League.
United ayaa soo afjartay guul-darrooyinkii iyo natiijooyinkii xumaa ee ay ku jirtay, iyadoo qeybtii hore 2 gool looga hormaray, balse qeybtii labaad ay sameysay soo laabasho ay ku gaartay guul 3-2 ah.
Rigooro uu dhaliyay kabtan Bruno Fernandes iyo laba gool oo uu Matheus Cunha dhaliyay ayaa guusha xaqiijiyay. Si kastaba, Lacey ayaa noqday ciyaaryahanka hadal-haynta ugu badan ka dhex abuuray taageerayaasha baraha bulshada.
Taageerayaal badan ayaa ammaanay saameynta uu ciyaaryahanka da’da yar ku yeeshay ciyaarta, iyagoo ku tilmaamay inuu sare u qaaday xawaaraha iyo firfircoonida weerarka United. Qaar ayaa xitaa ku baaqay inuu kulanka xiga ku soo bilowdo.
Mid ka mid ah taageerayaasha ayaa sheegay in Lacey uu yahay hibo weyn oo si buuxda u beddelay firfircoonida ciyaarta, halka kuwo kale ay ku tilmaameen ciyaaryahan aan ka baqan inuu halis galo marka uu gaaro qeybta ugu dambeysa ee garoonka.
Dhanka kale, United ayaa Axadda la ciyaari doonta Aston Villa kulan muhiim u noqon kara mustaqbalka Michael Carrick.
Kadib guushii Roma, Bruno Fernandes ayaa sidoo kale difaacay tababaraha, isagoo sheegay in ciyaartoydu aysan u baahnayn inay badbaadiyaan shaqadiisa.

