Garsoore Hore oo Premier League ah: Liverpool Rigoore Cad Ayaa Laga Duudsiyay Kulankii Arsenal

0

Garsoorihii hore ee Premier League Mark Halsey ayaa sheegay in qalad weyn oo garsoornimo uu ka dhacay kulankii Liverpool 0–1 Arsenal ee Anfield.

Halsey wuxuu ku dooday in Liverpool ay ahayd in rigoore loo dhigo, kaddib markii Jurrien Timber uu si cad funaanadda uga jiiday Alexander Isak xilli weeraryahanku isku dayayay inuu kubadda gaaro.

Advertisment

Wuxuu sheegay inuu la yaabay sababta VAR-ku uusan garsoore Andy Madley ugu yeerin inuu dhacdada dib u daawado.

Dhanka kale, Halsey wuxuu sheegay in dhacdadii Cody Gakpo aysan ku filnayn rigoore. Waxa kale oo uu tilmaamay in ciyaaryahanka Liverpool Trey Nyoni uu nasiib lahaa, maadaama qalad uu ku galay Martin Ødegaard uu mudnaa kaarka jaallaha ah, halka faragelin kale oo uu ku sameeyay Kai Havertz ay dhalisay dood ku saabsan inuu laba jaalle qaadan karay.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here