Valverde oo diyaar u ah kulanka Real Madrid iyo AEK Athens

0

War wanaagsan ayaa u soo baxay Real Madrid ka hor kulankooda Champions League ee ay Arbacada la ciyaarayaan AEK Athens, iyadoo Federico Valverde la filayo inuu diyaar u noqdo ciyaarta.

Valverde ayaa ka maqnaa kulankii Axaddii ee Racing Santander, kaas oo Real Madrid 3-0 ku badisay, balse maqnaanshihiisa ayaa lagu sheegay inuu ahaa taxaddar caafimaad oo keliya, kadib dhaawacii kasoo gaaray kulankii El Clásico ee Barcelona.

Advertisment

Sida ay sheegtay Mundo Deportivo, xiddiga reer Uruguay ayaa maanta si caadi ah uga qeyb qaatay tababarka kooxda, taasoo muujineysa inuu diyaar u yahay kulanka Champions League.

Sidoo kale Vinicius Junior ayaa tababarka kooxda si buuxda uga qeyb qaatay, waxaana la filayaa inuu ciyaaro kulanka AEK Athens, gaar ahaan maadaama uu kulamada La Liga uga maqnaa ganaax.

Real Madrid ayaa Arbacada 4 November marti ugu noqonaysa AEK Athens dalka Greece, kulanka afaraad ee marxaladda horyaalka Champions League.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here