Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Spain, Rafael Louzán, ayaa difaacay madaxweynaha La Liga Javier Tebas, xilli uu cadaadis iyo dhaleeceyn xooggan kala kulmayo Real Madrid iyo dhinacyo kale.
Louzán wuxuu sheegay in garsoorayaashu yihiin xirfadlayaal ay tahay in shaqadooda la ixtiraamo, isagoo xusay in qaladaadku yihiin wax bani’aadamku sameyn karo.
Louzán: “Waa wax dabiici ah in qof walba qalad sameeyo. Waa inaan garsoorayaasha u oggolaanno inay shaqadooda qabsadaan, waayo waa xirfadlayaal dhab ah.”
Wuxuu sidoo kale si dadban uga jawaabay Real Madrid, oo muddooyinkii dambe si joogto ah uga cabaneysay garsoorka La Liga. Louzán wuxuu ku dooday in hadallada iyo weerarrada joogtada ahi ay dhaawacayaan sumcadda horyaalka Spain.
“Faallooyinkan waxay dhab ahaan dhaawacayaan sawirka La Liga iyo guud ahaan kubadda cagta Spain. Waa inaan ilaalinaa horyaalkeenna.”
Dhanka kale, wuxuu sheegay in aan loo baahnayn in mar kasta dib loogu noqdo kiiska Negreira, maadaama arrintaasi hadda gacanta ugu jirto maxkamadaha, isla markaana la sugayo go’aanka kama dambaysta ah.
Louzán wuxuu ugu dambeyn ku baaqay in kooxaha, La Liga iyo xiriirka kubadda cagta Spain ay joojiyaan weerarrada dhexdooda ah, isagoo sheegay in difaaca Tebas uu ka difaacayo La Liga uu yahay arrin dabiici ah.

