Manchester United ayaa kulanka galabta ay la ciyaari doonto Chelsea ku waayi doonta afar ciyaaryahan oo muhiim ah, halka Kobbie Mainoo uu diyaar u yahay inuu dib ugu soo laabto kooxda.
Mainoo ayaa seegay afartii kulan ee ugu dambeysay ee United sababo la xiriira dhaawac muruqa ah. Intii uu maqnaa, kooxdu waxay la kulantay afar guuldarro iyo hal barbaro.
Xiddiga 21 jirka ah ayaa Arbacadii dib ugu soo laabtay tababarka buuxa, waxaana Jimcihii lagu arkay 22-ka ciyaaryahan ee kooxda oo tareen uga ambabaxayay magaalada London.
Tababare Michael Carrick ayaa sheegay in Mainoo uu dib ugu soo biiray kooxda, taasoo war wanaagsan u ah United.
Dhanka kale, Marcus Rashford iyo Luke Shaw laguma arag safarka kooxda. Rashford ayaa wajahaya dhaawac sinta ah, mana cadda goorta uu garoomada ku soo laaban doono.
Shaw ayaa isaguna seegay afartii kulan ee ugu dambeysay, iyadoo dhaawaciisa cusub aan weli faahfaahin badan laga bixin. Maqnaanshihiisa ayaa dhibaato ka abuuray booska daafaca bidix.
Patrick Dorgu ayaa sidoo kale weli la maqan dhaawac muruqa bowdada dambe ah oo soo gaaray intii lagu jiray fasaxii ciyaaraha caalamiga ahaa ee Sebtembar.
Benjamin Šeško ayaa ah ciyaaryahanka afaraad ee dhaawaca ku maqan. Weeraryahanka reer Slovenia ayaa qaba dhaawac lafta lugta hoose ah, waxaana la filayaa inuusan soo laaban ilaa Janaayo, ama xitaa wixii ka dambeeya, Carrick ayaa sheegay in muddada uu Šeško maqnaan doono aan weli si rasmi ah loo xaqiijin, balse ay u muuqato inuu muddo dheer garoomada ka maqnaan doono.
