Ma Ogtahay fursadii ay Real Madrid lumisay si au ula wareegto Messi sanadkii 2001 ?

0

Miguel Ángel Portugal, oo horay xilal kala duwan uga soo qabtay Real Madrid, ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Madrid ay fursad u heshay inay la soo saxiixato Lionel Messi sanadkii 2001, xilli uu weli da’yar ahaa.

Wuxuu sheegay in qof ku dhowaa Messi uu xiriir la sameeyay Real Madrid, balse kooxda aysan go’aansan inay heshiiskaasi horay u sii waddo, inkastoo ay la socotay hibada ciyaaryahanka.

Advertisment

Portugal ayaa xusay in Real Madrid aysan doonayn inay dhaawacdo xiriirkeeda Barcelona, taasoo qayb ka ahayd sababihii ay uga gaabsatay heshiiska.

Ugu dambayn, Messi wuxuu ku biiray taariikhda Barcelona, isagoo noqday mid ka mid ah halyeeyadii ugu waaweynaa kubadda cagta adduunka.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here