Tababaraha kooxda Barcelona, Hansi Flick, ayaa fariin u diray xiddiga Raphinha kaddib markii loogu yeeray xulka qaranka Brazil, isagoo sidoo kale xaqiijiyay in kooxdu ay diyaar u tahay inay suuqa Janaayo la soo wareegto ciyaartoy tayo leh.
Flick ayaa sheegay in Raphinha uu yahay ciyaaryahan muhiim u ah Barcelona, isla markaana uu kooxda qalbigiisa ku hayo, balse uu fahamsan yahay rabitaanka xiddiga reer Brazil ee ah inuu dalkiisa u ciyaaro.
Wuxuu sidoo kale xusay in safarka Singapore uusan ahayn xaaladda ugu habboon, laakiin ay tahay arrin uusan isagu awood u lahayn inuu wax ka beddelo.
Dhanka kale, Flick ayaa ka hadlay guuldarradii El Clásico, isagoo sheegay inaysan ahayn musiibo, balse ay tahay inay casharro ka bartaan, isla markaana ay dib ugu soo laabtaan guulaha.
Tababaraha reer Germany ayaa qirtay in maqnaanshaha afar ciyaaryahan oo muhiim u ah difaaca, oo kala ah Koundé, Espart, Olmo, Eric García iyo Christensen, ay adkeysay helitaanka xalal difaac oo ku filan.
Markii wax laga weydiiyay suuqa kala iibsiga Janaayo, Flick wuxuu sheegay inay u furan yihiin inay la soo wareegaan ciyaaryahan kasta oo kooxda wax ku soo kordhin kara, isagoo xusay inuu arrintan kala hadlay Deco, Bojan iyo xubnaha kale ee shaqaalaha tababarka.
Flick ayaa sidoo kale dalbaday in Barcelona ay hagaajiso difaaceeda, isagoo carrabka ku adkeeyay in difaacu uusan ahayn shaqada daafacyada oo keliya, balse ay tahay inay weeraryahannaduna qayb ka noqdaan.
Ugu dambeyn, wuxuu ammaanay Lamine Yamal, Frenkie de Jong iyo da’yarta kooxda, isagoo sheegay inuu boqolkiiba 100 ku kalsoon yahay mashruuca Barcelona, isla markaana uu doonayo in kooxdu dib ugu laabato wadadii guulaha.
Barcelona ayaa kulankeeda xiga la ciyaari doonta Deportivo Alavés garoonka Camp Nou, iyadoo Flick uu muhiimad weyn siinayo inay saddexda dhibcood hesho.

