Real Madrid oo war wanaagsan ka heshay Courtois iyo Güler, halka Valverde uu shaki ku jiro kulanka Racing Santander

0

Kooxda Real Madrid ayaa war wanaagsan ka heshay goolhaye Thibaut Courtois iyo xiddiga Arda Güler, kuwaas oo si caadi ah uga qayb qaatay tababarka kooxda ka hor kulanka Racing Santander ee Axadda.

Courtois ayaa seegay kulankii El Clásico ee ay Real Madrid 2-1 kaga adkaatay Barcelona sababo la xiriira xanuunka hargabka, balse hadda wuxuu u muuqdaa mid diyaar u ah inuu dib ugu soo laabto safka kooxda.

Advertisment

Sidoo kale, Arda Güler ayaa tababarka si caadi ah uga qayb qaatay, kaddib daal jireed oo soo wajahay intii uu socday kulankii Barcelona.

Dhanka kale, waxaa weli shaki ku jiraa xaaladda Federico Valverde, kaasoo dhaawac kaga baxay kulankii El Clásico. Xiddiga reer Uruguay ayaa Jimcihii sameeyay tababar gaar ah, waxaana Sabtida lagu sameyn doonaa baaritaan jireed oo kama dambeys ah si loo go’aamiyo inuu diyaar u yahay kulanka Racing Santander.

Real Madrid ayaa kulankaas ku galaysa iyadoo kaalinta saddexaad kaga jirta horyaalka La Liga, isla markaana leh 24 dhibcood, waxaana guushii ay ka gaartay Barcelona ay siisay dhiirrigelin ka hor kulanka xiga.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here