Manchester City oo booqanaysa Aston Villa kulan ka tirsan Premier League

0

Manchester City ayaa maanta oo Sabti ah booqanaysa kooxda Aston Villa, kulan ka tirsan wareegga 8-aad ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedka 2026/27.

Ciyaartan ayaa lagu ciyaari doonaa garoonka Villa Park, iyadoo Manchester City ay kulanka gelayso iyadoo hoggaanka horyaalka ku jirta, islamarkaana leh 21 dhibcood, halka Aston Villa ay kaalinta 12-aad kaga jirto kala sarreynta, iyadoo haysata 8 dhibcood.

Advertisment

Manchester City ayaa doonaysa inay saddexda dhibcood ka soo qaadato garoonka Aston Villa si ay u sii xoojiso hoggaankeeda horyaalka, hase yeeshee kooxda martida loo yahay ayaa rajaynaysa inay garoonkeeda kaga faa’iidaysato kulankan adag.

Waqtiga ciyaarta: 2:30 duhurnimo, waqtiga Soomaaliya iyo Kenya.

Kanaalka baahinaya: beIN SPORTS 1.

Faalleeyaha ciyaarta: Cali Saciid Al-Kaabi.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here