Eberechi Eze oo halis ugu jira Mustaqbalkiisa arsenal! laba shaki oo mikel arteta ka qabo ayaa soo baxay

0

Xiddiga reer England ee Eberechi Eze ayaa wajahaya xaalad adag oo ku saabsan mustaqbalkiisa Arsenal, iyadoo tababare Mikel Arteta uusan weli u helin boos joogto ah oo uu kaga ciyaaro shaxdiisa, sida uu qoray TEAMtalk.

Eze ayaa Arsenal ugu soo biiray heshiis qiimihiisu gaari karo £70 milyan, balse waxaa soo baxaya walaac ku saabsan inuu ku guuldarreystay inuu noqdo xiddig joogto ah oo kooxda muhiim u ah.

Advertisment

Warbixintu waxay tilmaamaysaa laba caqabad oo waaweyn:

1. Booska garabka bidix: Arsenal ayaan weli ku qancin in Eze uu yahay xalka booskaas, halka Christos Tzolis la sheegay inuu kaga horreeyo kala sarreynta ciyaartoyda booskaas.

2. Booska No. 10: Martin Ødegaard ayaa booskaas doorbidaya, taasoo fursadaha Eze ee khadka dhexe ee weerarka sii yaraynaysa.

Sida uu sheegay wariyaha Graeme Bailey, bandhigga Eze kulankii Nottingham Forest ayaa ahaa mid niyad-jab leh, waxaana qeybtii dambe ee ciyaarta laga reebay markii la gaaray nasashada.

Bailey ayaa aaminsan in Eze ay ku adkaan karto inuu helo kulan kale oo Premier League ah oo uu ku soo bilowdo ka hor Christmas-ka, haddii uusan si muuqata u hagaajin qaab ciyaareedkiisa.

Inkasta oo Arsenal ay lacag badan ku bixisay saxiixiisa, haddana Arteta ayaa la filayaa inuu mudnaanta siiyo ciyaartoyda uu aaminsan yahay inay kooxda wax badan ku soo kordhinayaan.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here