ERIK TEN HAG oo soo bandhigay in Man utd ay iibisay laacib isagu marna Raali ka aheyn ?

0

Tababarihii hore ee Manchester United, Erik ten Hag, ayaa shaaca ka qaaday in kooxdu ay iibisay Scott McTominay xagaagii 2024, inkastoo uusan isagu doonayn in ciyaaryahanka reer Scotland uu ka tago Old Trafford.

Ten Hag ayaa sheegay inuu maamulka kooxda kala heshiiyay in aan la iibin McTominay, maadaama uu lahaa awood goolal dhalin, maskax adag iyo daacadnimo uu u qabay kooxda.

Advertisment

“Waxaan ku heshiinnay Ibiza inaanan iibin Scott McTominay. Wuxuu kooxda u keeni jiray goolal iyo maskax adag. Manchester United ayuu dhiiggiisa ku lahaa, balse ugu dambeyn waa la iibiyay,” ayuu yiri Ten Hag, sida uu qoray The Athletic.

Manchester United ayaa McTominay ka iibisay Napoli sannadkii 2024, heshiis lagu sheegay inuu gaarayay £25.2 milyan oo ay ku jiraan gunnooyin dheeraad ah.

Tan iyo markii uu ku biiray kooxda Talyaaniga, McTominay ayaa bandhig wanaagsan sameeyay, isagoo door muhiim ah ka qaatay guushii Napoli ee horyaalka Serie A xilli ciyaareedkii 2024/25.

Dhanka kale, wariye Sacha Tavolieri ayaa 6-dii Oktoobar sheegay in milkiilayaasha Manchester United ee INEOS ay doonayaan inay dib ula soo saxiixdaan xiddiga khadka dhexe, kaasoo la sheegay inuu u furan yahay ku laabashada Premier League.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here