Liverpool ayaa rajo weyn ka qabta inay suuqa kala iibsiga Janaayo kula soo saxiixato khadka dhexe ee Bournemouth iyo xulka England, Alex Scott, oo 23 jir ah.
Bournemouth ayaa markii hore ciyaaryahanka ku qiimeysay in ka badan £100 milyan, balse xaaladda qandaraaskiisa ayaa keentay inay hadda tixgelin karto dalabyo ka badan £80 milyan oo gini, taas oo Liverpool u badbaadin karta ku dhowaad £20 milyan.
Chelsea ayaa sidoo kale xiisaynaysa saxiixa Scott, iyadoo Liverpool ay diyaarsan tahay inay tartanka gasho. Tababaraha Andoni Iraola, oo hore ula soo shaqeeyay ciyaaryahanka Bournemouth, ayaa door muhiim ah ka ciyaari kara heshiiska.
Haddii Liverpool ay ku guuldarraysato saxiixa Scott, waxay sidoo kale bartilmaameedsan kartaa Lamine Camara oo Monaco u ciyaara ama Manu Koné oo ka tirsan Roma.

