Halyeeygii reer Brazil ee Kaká ayaa aaminsan in Neymar uu ka mid ahaa ciyaartoydii ugu fiicnaa dunida, isla markaana uu mudnaa inuu ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or, inkasta oo uusan waligiis qaadin abaalmarintaas.
Kaká, oo ku guuleystay Ballon d’Or sannadkii 2007, ayaa wareysi uu siiyay SPORTbible ku sheegay in Neymar uu marar kala duwan xirfaddiisa ku soo bandhigay ciyaar heer caalami ah, balse uusan nasiib u yeelan inuu ku guuleysto abaalmarinta ugu qiimaha badan kubadda cagta shaqsiga.
Wuxuu yiri: “Way adag tahay in la yiraahdo ciyaaryahan ayaa si dhab ah ugu qalmaa, balse waxaan magacaabi lahaa Neymar. Xilliyo ka mid ah xirfaddiisa, wuxuu u ciyaarayay sidii ciyaaryahanka ugu fiican dunida.”
Kaká ayaa intaas ku daray in ku guuleysiga Ballon d’Or uusan ku xirnayn oo keliya bandhigga shaqsiga, balse ay muhiim tahay in ciyaaryahanku door weyn ka qaato guulaha kooxdiisa ee tartamada waaweyn.
Wuxuu tusaale u soo qaatay finalkii Champions League ee 2020, markaas oo Paris Saint-Germain ay guuldarro 1-0 ah kala kulantay Bayern Munich. Kaká wuxuu aaminsan yahay in haddii PSG ay koobkaas ku guuleysan lahayd, Neymar uu fursad weyn u heli lahaa in loo doorto ciyaaryahanka ugu fiican dunida sannadkaas.
Neymar ayaa intii uu u ciyaarayay Barcelona iyo Paris Saint-Germain muujiyay xirfad sare, isagoo labada kooxood u saftay 359 kulan, kana qayb qaatay 378 gool, isaga oo dhaliyay ama caawiyay.
Si kastaba ha ahaatee, Neymar ayaa inta badan ku hoos jiray hooska Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, kuwaas oo muddo ku dhow 15 sano si weyn ugu loollamayay abaalmarinta Ballon d’Or.
Messi ayaa ku guuleystay abaalmarinta siddeed jeer, waana ciyaaryahanka ugu badan taariikhda, halka Ronaldo uu ku guuleystay shan jeer.
Neymar ayaa haatan dib ugu laabtay Santos, kooxdii uu ka bilaabay xirfaddiisa kubadda cagta, waxaana sii yaraanaya fursadihiisa uu ku gaari karo abaalmarinta Ballon d’Or.

