DEG DEG Vinicius Jr oo Seegaya Classico afar kulanna laga ganaaxay Waa kuwan kulamada uu seegayo ?

0

Xiddiga reer Brazil ee Vinicius Jr ayaa lagu ganaaxay afar kulan oo horyaalka La Liga ah, taasoo ka dhigan inuu seegi doono kulanka weyn ee El Clásico oo ay isaga hor imaan lahaayeen Real Madrid iyo Barcelona.

Ganaaxan ayaa yimid kaddib markii Vinicius Jr uu casaan toos ah qaatay kulankii ay Real Madrid la ciyaartay Villarreal, kaddib markii uu timaha jiiday Nathan Saliba, isla markaana uu muran la galay garsooraha.

Advertisment

Afarta kulan ee uu Vinicius Jr seegi doono:

  • Sevilla (Guriga): Real Madrid ayaa la ciyaari doonta Sevilla.
  • Barcelona (Martida): Wuxuu seegi doonaa El Clásico oo ka dhici doona garoonka Barcelona.
  • Racing Santander (Martida): Wuxuu sidoo kale maqnaan doonaa kulanka Racing Santander.
  • Valencia (Martida): Kulanka afaraad ee uu ganaaxa ku maqnaan doono waa kan Valencia.

Ganaaxa ayaa dhabar-jab ku ah Real Madrid, maadaama ay waayi doonto mid ka mid ah xiddigaheeda weerarka kulanka aadka loo sugayo ee Barcelona.

Vinicius Jr ayaa la filayaa inuu dib ugu soo laabto kulamada La Liga marka Real Madrid ay wajahdo Celta Vigo bisha November. Si kastaba ha ahaatee, ganaaxani kama hor istaagayo inuu ciyaaro kulamada Champions League.

Xigasho: AS, Cadena SER iyo El País.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here