Wararka sheegaya in Mohamed Salah uu ka tagi doono Liverpool dhammaadka xilli ciyaareedkan ayaa ah sheekada ugu weyn ee kubadda cagta toddobaadkan.
Kadib markii uu kaga soo biiray Roma sanadkii 2017, ciyaaryahanka reer Masar wuxuu ka tagi doonaa Anfield isagoo halkaas ku qaatay sagaal sano oo cajiib ah.
Waxay u muuqataa in weeraryahanka caanka ah uusan noqon doonin ciyaaryahanka keliya ee si tagaya Anfield xagaagan.
Sida uu qoray wargeyska Express, siddeed xiddig oo kale ayaa laga yaabaa inay diyaar u yihiin inay baxaan ka hor xilli ciyaareedka 2026/27.
Xiddigaha Ibrahima Konate, Wataru Endo, Curtis Jones, joe Gomez, Federico Chiesa, Andh Robertson, Freddie Woodman iyo Rhys Williams ayaa la filayaa in ay isaga tagaan Anfield Xagaaga.
Be the first to comment