8-da Kooxood Ee Isugu Soo Hadhay Europa League & Sida Ay U Wada Ciyaari Doonaan.

Waxa xalay la soo af-Meeray wareega 16-ka ee tartanka Europa League iyada oo ay 8 kooxood isugu soo hadheen tartanka ilaa haatan.

Sida ay kooxaha 8-da ah ee ku soo hadhay tartanka sida ay iskula ciyaarayaan ayaa haatanba la sii ogyahay iyada oo Kulamada la kala ciyaari doono Isniinta iyo Salaasada.

Labada kulan ee ugu adag ayaa ah kulanka ay Inter Milan la ciyaari doonto kooxda Leverkusen iyo kulanka dhexmari doona kooxaha Wolves iyo Sevilla.

Kooxda Man United ayaa iyadu la ciyaari doonta Kooxda Copenhagen halka shakhtra iyo Basel wada ciyaari doonaan.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Sida ay u wada ciyaari doonaan iyo wakhtiga ay ciyaari doonaan:

Intiinta 10:00 Habeenimo

Inter Milan Vs Leverkusen

Man United Vs Copenhagen

Salaasada: 10:00

Shakhtar Vs Basel

Wolves Vs Sevilla

Sii Akhriso: Madaxweynaha Somaliland Oo Muuse Biixi Cabdi Oo Diiday Dalab Uu Shiinuhu U Soo Bandhigay Si Ay Xidhiidhka Ugu Jaraan Taiwan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*