7-da Xiddig Oo Khatar Ugu Jira In Ay Man United Ka Tagaan Suuqa January.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay kooxda ka diri doonto ugu yaraan 7 xiddig maalmaha ka dhiman suuqa January ee bishan.

Red Devils ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga Amad Diallo bilowgii bishan lamana filayo in ay saxiixyo cusub samayso inta lagu jiro suuqa bsihan.

Si kasta ha ahaatee wargayska The Mirror ayaa sheegaya in ay Jiraan 7 xiddig oo isaga tagi kara kooxda Man United inta lagu jiro suuqa January ee bishan.

Xiddigaha Jesse Lingard, Marcos Rojo, Sergio Romero, Juan Mata, Phil Jones, Brandon Williams & Daniel James ayaa dhamaantood la filayaa in ay isaga tagaan kooxda bishan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*