6 Xiddig Oo Real Madrid Oo Seegi Doona Kulanka Valencia Ee La Liga

Carlo Ancelotti ayaa magacaabay liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono Valencia kulan ka tirsan horyaalka La Liga kana dhici doona garoonka Mistalla.

Los Blancos ayaa safartay iyada oo ay ka maqan yihiin dhawr xiddig oo kooxda 1-aad ah sabab la xidhiidha dhaawacyo ay kaga maqan yihiin kulamada kooxda.

Tababaraha reer Italy ayaa magacaabay 22 xiddig si uu ugu ciyaaro kulanka laakiin waxa ka maqan 6 xiddig kuwaas oo dhaawac uga maqnaan doona kulanka.

XiddigahaFerland Mendy, Marcelo, Toni Kroos, Dani Ceballos, Gareth Bale & Mariano ayaa ka mid ah xiddigaha Real Madrid ka maqnaan doona kulanka Valencia ee horyaalka La Liga.

Sidaas darteed Ancelotti ayaa kulanka gali doona isaga oo aan haysan xiddig daafaca Bidix ka ciyaar sidoo kale xiddig khadka dhexe ka ciyaara taas oo dhirbaaxo ku ah tababaraha.

Sii Akhriso: Qaabkee Ayaad Gabadha U Waydiisan Kartaa Numberkeeda Marka Aad Aragtida Ugu Horaysa Kaga Heshay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*