6 Xiddig Oo Ay Liverpool U Calaamadsatay Badalka Georginio Wijnaldum

Xiddiga khadka dhexe ee Georginio Wijnaldum ayaa ka mid ahaa xiddigaha ugu muhiimsan Qorshaha Jurgen Klopp intii uu joogay kooxda difaacanaysa horyaalka premeir League.

Laakiin xiddiga reer Holland ee Georginio Wijnaldum ayaa si xor ah uga tagi doona kooxda chelsea marka uu dhoco heshiiskisia kooxda Reds Dhoco dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa sidii ay ula soo saxiixan lahayd xiddig khadka dhexe ah oo ay ku buuxiso booska Georginio Wijnaldum marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga.

Wargayska Daily Star ayaa sheegaya in ay Liveprool isha ku hayso 6 xiddig oo ay midkood u dhaqaaqi doonto si ay ugu buuxiso booska uu banaynayo xiddiga khadka dhexe ee Georginio Wijnaldum.

Xiddigaha Yves Bissouma, Sander Berge, Rodrigo de Paul, Florian Neuhaus, Houssem Aouar Iyo Jude Bellingham ayaa ah 6-da xiddig ee uu Jurgen Klopp midkood u dhaqaaqi doono si uu ugu xoojiyo booska Georginio Wijnaldum.

Sii Akhriso: Sharciyada Jacaylka: Wax Ka Baro 10-ka Sharci Ee Ugu Muhiimsan Ee Jacaylka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*