5 Xiddig Ee Ugu Horeeya Ee Premier league Looga taaagayo Kaadhka Buluuga Oo La Saadaaliyay.

Waxaa jira shan xiddig oo ah musharrixiinta ugu sarreeya ee qaadan kara kaarka buluugga ah ee ugu horreeya taariikhda Premier League.

Garsoorayaasha ayaa awood u lahaa in ay kaararka casaanka iyo jaalaha ah bxiyaan tan ilaa 1970 laakiin hadda waxay u muuqataa inay heli doonaan midab cusub.

Sida laga soo xigtay The Telegraph, guddiga caalamiga ah ee kubbadda cagta (IFAB) ayaa oggolaaday in la keeno kaarka buluugga ah, kaas oo qayb ka noqon doona Ciyaaraha kubada cagta.

Hab-maamuuska cusub ayaa loo taagi doonaa ciyaaryahan kasta oo ku kaca qalad qaawan ama muujiya diidmo ku aaddan go’aanada garsooraha waxana ciyaata Laga saari doonaa 10 daqiiqo.

Waxay u muuqataa inay jiraan shan ciyaartoy oo Premier League ah oo ay u badan tahay in loo taago kaadh buluuga ah.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Conor Gallagher ayaa 50 qalad ku galay Premier League xilli ciyaareedkan, 14 jeer ayuu ka badan yahay saaxiibkii Moises Caicedo kaasoo galay labaad ee ugu badan (36).

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Wolves Joao Gomes iyo weeraryahanka Tottenham Dejan Kulusevski ayaa labadoodaba sameeyay 36 qalad midkiiba Halka Xiddiga Everton ee Abdoulaye Doucoure uu galay 34 k

halad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga