5 Kooxood Oo Premier League Ah Oo Koobab Ku Guulaystay Xilli ciyaareedka n

Shan kooxood oo Premier League ah ayaa xilli ciyaareedka 2024/2025 ku dhameystay koobab.

Tani waa tirada ugu badan ee kooxaha ku guuleysta koobab hal xilli ciyaareed.

Guushii ay Chelsea ka gaadhay kooxda Real Betis kulan ka tirsanaa tartanka UEFA Conference League ayaa ka dhigtay kooxdii 5-aad.

Horaantii ololahan, Liverpool ayaa la xaqiijiyay inay ku guuleysatay League, iyadoo 5-1 kaga badisay Tottenham Hotspur.

Waxay ahayd guushii labaad ee Reds ee Premier League shan sano gudahood.

Newcastle ayaa soo afjartay 70 sano oo ay sugaysay ka dib markii ay 1-0 ku garaacday Liverpool finalka Carabao Cup, iyadoo Dan Burn uu dhaliyay goolka guusha ee Wembley.

Labo isbuuc ka hor, Crystal Palace ayaa sidoo kale 1-0 kaga badisay Manchester City finalka FA Cup, si ay u qaadaan koobkoodii ugu horeeyay taariikhda.

Tottenham Hotpur ayaa 1-0 ku garaacday Manchester United final-kii Europa League, si ay u soo afjarto xilli ciyaareed xun.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga