4 Xiddig Oo Man United Ah Kuwaas Oo Seegi Kara Kulanka West Brom

Tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa wajahaya dhibaato dhaawac ka hor kulanka West Brom ee horyaalka premier League waxana uu ku qasbanaan doonaa in uu is badal ku sameeyo kooxda kulanka West Brom.

Kooxda United ayaa wajahaysa natiijada taam ahaanshaha xiddigo dhawr ah ka hor kulanka West Brom xilli ay 4 xiddig seegi karaan kulanka West Brom.

Xiddigaha Alex Telles, Marcus Rashford, Bruno Fernandes & Anthony Martial ayaa dhamaantood shaki ku jiraa taam ahaanshohooda kulanka West Brom.

Xiddiga Alex Telles ayaa ka soo kabsanaya xanuunka Korona tababar fiicana ma qaadan inkasta oo uu waajibaadka xulka qarankiisa aaday fasaxii xulalka.

Xiddiga Marcus Rashford ayaa dhankiisa dhaawac lugta ah kaga maqnaa waajibaadka xulka qarankiisa England intii lagu jiray fasaxii xulalka.

Dhanka kale xiddigaha Bruno Fernandes & Anthony Martial ayaa dhankooda dhaawacyo kala kulmay waajibaadka xulalkooda France iyo Portuga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*