4 Xiddig Oo Arsenal Ah Oo Seegay Tababarka Ka Hor Kulanka Tottenham, Sabab.

Afar ciyaaryahan oo muhiim ah oo Arsenal ah ayaa ka maqnaa tababarka kooxda koowaad Salaasadii ka hor kulanka adag ee ay la ciyaari doonaan kooxda Tottenham todobaadka dambe.

Gunners ayaa marti galin doonta kooxda ay isku magaalada yihiin ee Tottenham kulankooda ugu horeeya ee kadib fasaxa xulalka.

Iyada oo qaar ka mid ah xiddigaha kooxda Arsenal ka soo laabanayaan waajibaadka xulalkooda, qaar ayaa seegay tababarka kooxda koowaad maalintii Salaasadii sida laga soo xigtay Football.London.

Xiddiga Oleksandr Zinchenko ayaa seegay tababarka maadama uu ka soo kabsanayo dhaawac soo gaadhay ka hor fasaxa xulalka kuna seegay waajibaadka xulka qarankiisa.

Xiddigha Kieran Tierney, Thomas Partey & Takehiro Tomiyasu ayaa sidoo kale seegay tababarka kadib markii ay dhaawacyo uga bexeen waajibaadka xulalkooda.

Arsenal ayaa haatan ka wal-walaysa taam ahaanshaha 4-ta xiddig ka hor kulanka adag ee ay la ciyaari doonaan kooxda Tottenham.