4-ta Xiddig Ee Ugu Da’da Weyn Ee Gool Ka Dhaliyay Koobka Africa Oo La Ogaaday.

Afarta ciyaaryahan ee ugu da’da weyn ee gool ka dhaliya taariikhda tartanka Africa Cup of Nations (AFCON) ayaa la shaaciyay.

Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF) ayaa qoraal uu ku shaaciyay Boggiisa Rasmiga ah ku sheegay in halyeeyga Masar Hossam Hassan uu yahay ciyaaryahanka haya rikoodhka gooldhaliyaha ugu da’da weyn taariikhda AFCON.

Hassan wuxuu rikoodhkan dhigay intii lagu jiray koobkii Africa Cup of Nations, markaas oo uu gool ka dhaliyay DR Congo ciyaartii rubuc-dhamaadka, taasoo ay Masar ku garaacday 4–1 kooxda loo yaqaan Leopards.

Hassan wuxuu jiray 39 sano iyo 5 bilood markii uu goolka ka dhaliyay Congo.

Kaalinta labaad waxaa ku xiga xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang ee Gabon, kaas oo u gudbay booska labaad ee liiska. Kabtankii hore ee Arsenal ayaa rikoodhkan gaaray isagoo 36 sano iyo 6 bilood jir ah, kaddib markii uu gool u dhaliyay Gabon kulankii ay 3–2 ku guuldarreysteen Mozambique intii lagu jiray Africa Cup of Nations ee hadda ka socda Morocco.

Kaalinta saddexaad waxaa ku jira halyeeyga Zambia Kalusha Bwalya. Isagoo 36 sano iyo 5 bilood jir ah, Bwalya wuxuu gool dhaliyay intii lagu jiray AFCON 2000 kulankii ay la ciyaareen Senegal. Wuxuu rigoore u beddelay gool daqiiqaddii 87-aad, taasoo ka caawisay Zambia inay 2–2 barbaro ku dhammeeyaan ciyaartaas oo ka dhacday Lagos.

Kaalinta afraadna waxaa ku jira xiddiga Equatorial Guinea Emilio Nsue. Isagoo 36 sano iyo 3 bilood jir ah, Nsue wuxuu ku biiray liiskan gaarka ah kaddib markii uu gool dhaliyay kulankii ay Equatorial Guinea 3–1 kaga adkaatay Algeria, ciyaar ka tirsan AFCON ee hadda ka socda Morocco, Arbacadii.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga