4 Rikoodh Oo Xun Oo Laga Diwaan Galiyay Kadib Ceebtii Barcelona Ee Benfica.

Barcelona ayaa la kulantay guuldaro cusub oo bahdilaad ah tartanka Champions League, waxaana markan garaacday kooxda Benfican oo 3/0 ku xasuuqday kulan ka tirsanaa kulankii 2-aad ee wareega Group-yada champions League.

Kooxda Barcelona ayaa ku jirta kaalinta ugu dambaysa ee Group-kooda kadib markii laga badiyay 2-dii kulan ee ay ciyaartay champions league xilli ciyaareedkan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigid oonaa 4 xaqiiqo oo xun oo ay Barcelona dhigtay ceebtii Benfica:

** Barcelona ayaa laga adkaaday labadii kulan ee ugu horreeyey Champions League markii labaad taariikhdeeda, markii ugu horreysayna waxay ahayd xilli ciyaareedkii 1972-73 markaas oo laga adkaaday laba kulan oo xiriir ah oo ay la ciyaartay Porto.

** Barcelona ayaa hal darbo oo kaliya ku tuurtay goolka labadii kulan ee ugu horeeyay Champions League xilli ciyaareedkan, tiradaas oo dhacday markii ugu horeysay taariikhda kooxda.

** Markii ugu horreysay taariikhda Barca, waxaa laga dhaliyay 6 gool labadii kulan ee ugu horreysay Champions League, waxayna ku guuldarreysatay inay wax gool ah dhaliso.

** Barcelona ayaa dhalisay kaliya 11 gool tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkan, tanina waa rikoorkii gooldhalinta ugu xumaa ee kooxda 8 -dii kulan ee ugu horreysay xilli ciyaareedka qarnigan hadda jira.

Sii Akhriso: 3 Dumar Ah Oo Raggu Neceb Yihiin..Waa Kuwee?

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*