4 Kooxood Oo premier League Ah Oo Uuna Romelu Lukaku Ka Dhalin Wax Gool Ah.

Romelu Lukaku ayaa si cajiib ah ku bilowday xirfadiisa 2-aad ee kooxda chelsea inkasta oo Blues lagu dhaleeceeyay in ayna si fiican u adeegsan xiddiga.

Xiddiga reer Belguim ayaa weerar cusub ku soo kordhiyay chelsea xilli ciyaareedkan kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda.

Romelu Lukaku ayaa ilaa haatan gool ka dhaliyay 150 koox oo reer England ah kana mid yihiin kooxaha West Brom, Man United, Everton & Chelsea.

Laakiin waxa jirta 4 kooxood oo premier League ah oo uuna Romelu Lukaku wax gool ah ka dhalin sabab la xidhiidha in uuna kulamo badan ka hor tagin ama uuna kaba hor tagin wali.

Romelu Lukaku ayaan wali ka dhalin kooxaha Brighton, Brentford iyo Leeds United maadama uuna wali wax kulan ah kaga hor tagin iyo waliba kooxda Wolves oo uu laba kulan ka hor tagay laakiin uuna wax gool ah ka dhalin.

Sii Akhriso: Ragga Mise Dumarka? Keebaa Kalgacal badan Marka Uu Jacaylka Ku Dhoco?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*