Alan shearar ayaa Magacaabay shaxda ugu fiican Premier League Xilli Ciyaareedkan.
Waxa lagu Jiraa gaba-gabada xilli Ciyaareedka premier league iyada ay kulamo yar Ka dhimantahay xilli Ciyaareedka.
Xiddigo badan ayaa wacdaro dhigay tan ilaa bilowgii xilli Ciyaareedka premier league iyaga oo Ka caawiyay Kooxodooda in ay meel fiican Kaga jiraan kala saraynta premier league.
Hadaba isaga oo qiimaynaya qaab Ciyaareedkooda shearar ayaa Soo saaray shaxda ugu fiican Premier League Xilli Ciyaareedkan.
Kooxda Arsenal ayaa shaxda ku leh Xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 4 Xiddig.
Man City ayaa ku xigta oo shaxda ku leh 3 xiddig.
Kooxaha man United, Brentford, Chelsea iyo Fulham ayaa iyaguna shaxda ku leh min Hal xiddig.

Be the first to comment