
Kooxda Liverpool ayaa guuldaro xanuun badan kala kulantay kooxda Crystal Palace kulan ka dhacay Wembley kana tirsanaa Koobka Community Shield-ka.
Kulanka ayaa ahaa mid dhex maray labadii kooxood ee ku kala guulaystay FA Cup-ka Iyo Premier League xilli ciyaareedkii hore.
Liverpool ayaa u muuqatay kuwo uu ka muuqdo khal-khal Iyo in ayna diyaar u ahayn difaacashada premier League.
Reds ayaa daqiiqadii 4-aadba dhalisay goolka 1-aad ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Hugo Ekitike kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.
Laakiin Crystal Palace ayaa isla markiiba bar-baraha keentay waxana rikoodhe u dhaliyay xiddiga Jean-Phillippe Mateta kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1 daqiiqadii 17-aad.
Liverpool ayaa isla markiiba dhalisay gool kale waxana u dhaliyay xiddiga Jeremie Frimping kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Liverpool ku hogaaminayso ciyaarta daqiiqadii 21-aad.
Laakiin Crystal Palace ayaa daqiiqadii 77-aad dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Ismalila Sarr kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.
Waxa ay labada kooxood isla gaadheen rikoodhayaal iyada oo ay guushu 3/2 ku raacday Crystal Palace.
Be the first to comment