William Saliba Oo Ka Warbixiyay Mustaqalkiisa Xill Uu Xiiso Ka Helayo Real Madrid.

William Saliba ayaa iska fogeeyay wararka xanta ah ee sheegaya inuu qarka u saaran yahay inuu ka tago Arsenal kuna biiro Real Madrid, isagoo shaaca ka qaaday inuu rajeynayo inuu qandaraas cusub u saxiixo dhawaan.

24-sano jirkaan ayaa noqday mid ka mid ah daafacyada sida weyn looga qadariyo Premier League labadii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay, waxaana labo jeer loo magacaabay kooxda sanadka ee PFA.

Laakiin mustaqbalka Saliba ayaa ahaa mawduucyada la isla dhexmarayo bilihii ugu dambeeyay, iyadoo daafaca dhexe uu xiiso weyn ka helayo kooxda La Liga ka dhisan ee Madrid.

Saliba ayaa in ka badan hal sano bartilmaameed u ahaa Real Madrid iyada oo kooxdu xiddiga ka dhigatay xiddig muhiim u ah qorshohooda.

Kadib markii uu xiddigu ku bilowday kulankii Newcastle ee isku diyaarinta kooxda ee xilli ciyaareedka cusub waxa wax laga waydiiyay wakhtiga uu heshiiska cusub u saxiixayo Arsenal waxana uu yidhi”Dhawan”.

“Sannadkan waxaan isku dayi doonaa inaan ku guuleysano wax walba”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga