Afar ciyaaryahan oo ka tirsan Manchester United ayaa laga saaray kulanka Boxing Day ee ay la ciyaarayaan Newcastle United.
Kooxda uu hoggaamiyo Rúben Amorim ayaa Jimcaha fiidkii ku soo dhaweyn doonta Newcastle garoonka Old Trafford, waana kulanka kaliya ee Premier League ee la ciyaari doono maalinta Boxing Day.
Red Devils ayaa Kulankii ugu dambeeya guuldaro 2/1 ah kala kulantay Aston Villa, waxaana guuldarradaas ka sii daray dhaawac soo gaaray kabtankooda muhiimka ah Bruno Fernandes, kaas oo ciyaarta ka baxay isagoo la ildaran dhaawac muruqa ah.
Fernandes hadda waxaa la filayaa inuu garoomada ka maqnaado ku dhowaad hal bil, balse ma aha ciyaaryahanka kaliya ee United uu Amorim waayi doono inta lagu jiro xilliga fasaxa.
Isagoo la hadlayay saxaafadda shirkiisa ka hor kulanka, galabnimadii Arbacada, Amorim wuxuu xaqiijiyay in Kobbie Mainoo, Harry Maguire iyo Matthijs de Ligt ay sidoo kale ka maqnaan doonaan ciyaarta sababo la xiriira dhaawacyo.
Maqnaanshaha Fernandes wuxuu fursad u noqon kari lahaa Mainoo inuu dib u soo nooleeyo mustaqbalkiisa Red Devils, balse wuxuu seegay guuldarradii Axaddii ka dhacday Villa Park sababo la xiriira dhaawac canqowga.
Difaacyada muhiimka ah Maguire iyo De Ligt labaduba waxay maqnaayeen toddobaadyo, mana jirto midkood oo awood u leh inuu ku soo laabto waqtiga ay Newcastle booqanayso.
Markii la weydiiyay in Fernandes ama Mainoo ay diyaar u yihiin kulanka Boxing Day ee United, Amorim wuxuu yiri:
“Maya, ma aha kulankan”
“Way soo kabanayaan. Uma maleynayo inay qaadan doonto waqti badan. Kobbie wuxuu soo laaban doonaa ka hor Bruno”
“Ma doonayo inaan sheego (inta uu Bruno maqnaan doono). Dabcan fikrad ayaan ka hayaa, balse aan aragno.”
Isagoo ka hadlayay Maguire iyo De Ligt, Amorim wuxuu intaas ku daray:
“Weli waan la shaqeyneynaa, mana diyaar aha kulankan. Aan aragno kan xiga.”
Be the first to comment