
Saddex ciyaartoy oo Liverpool ah ayaa wajahaya ganaax ka hor kulankooda soo socda ee Premier League ee ay la ciyaarayaan Manchester United.
Caawa Liverpool ayaa ku kulmi doonta West Ham kulan ka tirsan wareegga 19-aad ee premier League kulan ka dhici doona garoonka London Olympic Stadium.
Kulankaan ayaa imaanaya ka hor kulanka adag ee sida weyn loo sugayo ee ay Liverpool la ciyaari doonto Man United todobaadka soo socda.
Saddex ciyaartoy oo Liverpool ah ayaa wajahaya suurtogalnimada inay seegaan kulanka Axadda ee Manchester United haddii ay qaataan kaarka jaalaha kulanka West Ham ee caawa.
Darwin Nunez, Ryan Gravenberch Iyo Cody Gakpo ayaa qaatay min 4 kaadh oo digniin ah horyaalka premier League ilaa haatan.
Haddii ay qaataan kaadhka digniinta ah kulanka West Ham waxa ay seegi doonaan kulanka Manchester United toddobaadka soo socda.
Be the first to comment